Dhibaatada Cabista Sigaarka.

Dhibaatada Cabista Sigaarka.

Dhibaatada Caafimaad ee Cabitaanka Sigaarka: Dhaqaale iyo Jidh Ahaaneed

Guud ahaan cabitaanka sigaarku waxa uu u keeni karaa qofka xaaladdo caafimaad darro, deganaansho la`aan iyo dhaqaale xumo indabada. Xagga dhaqan ka qofkuna waa uu xumaadda oo marka uu ku cabbayo meelaha dadweynaha kulmisa sida baabuurta ay dadku wada raacaan, meheradaha, xafiisyada iyo goobaha waxbarasha. Taas oo muujisa in qofka la dhibsado, waayo urta iyo qiijinta sigaarka oo aanay dadku jeclaysanayn urtiisa. 

Dhaqaale iyo Nolosha Guud:

Cabitaanka sigaarku waxa uu leeyahay dhaqaale xumo, sababta oo ah waxa uu iibsanayaa ama gadanaya wax uu doonayo inuu gubo, jidhkiisana ku gubo xag caafimaad, taas oo noqonaysa is-dil dadban. Waayo qofkii waxa uu gubaya qaybihii ugu muhiimsanya jidhkiisa; sida afkii, sambabkii, wadnihii, iyo uurku jirtii oo dhan. Marka sigaarku waxa uu sababa inuu qofkii cabayey ka dhex saaro bulshada waayo, caafimaad ahaan lama noolaan karo sida urta iyo sulufta maryaha uu wato. Dhaqaale ahaana waa kano waxa uu iibsanayaa ama gadanayaa markasta, taas oo kordhisa in dhaqaalaha qofku si fudud ugaga baxo. Waana balwad oo qofku ma ogaan karo goorta uu bixiyey dhaqaalaha uu ku khasarinayo sigaarka. 

Halka qofkii aan cabin sigaar ay u kaydsamayso dhaqaalihii uu kan kale ku bixiyey sigaar, dadkiina uu ku dhex jiro oo aanu urta sigaarka iyo dhaqanada xumi ka dhex saarin. 

Dhibaatada jidhka soo gaadha waxa ka mid ah ilkihii oo madoobada ka dibna burbura, neeftii qofka oo si xun u urta, taas oo ka macna ah in carbonka ka soo baxaya uurka qofku caafimaad ahaan liidato. cells ka jidhka oo daciifa ka bacdina aan cudurada iyo xanuunada iska difaaci karin, qofka oo markasta u nugul xanuunada haba ahaate xatta dureyga ama hargabka iyo wixii la hal maala. 

Waxa dhici karta in qofka cabba sigaarka ay ku soo deg-degto xanuunada ku dhaca wadnaha iyo sambabka, sidaa darteedna naftiisu khatar gasho, waayo waxa uu ku quudiya naqaska sigaarka ee aan caafimaad ahaan u wacnayn jidhka iyo guud ahaan ba qofka. Sidaas darteed ayaa lagu cadaadiyey shirkadaha soo saara sigaarka inay uga digaan dadka waxyeelda caafimaad taas oo lagu qoro baagedda sigaarka qoraal sheegaya in tubaakadu ay waxyeelo u geysato caafimaadka. Iyada oo ay daba socoto cashuuro dheeri ah oo la saaro shirkadaha soo saara sigaarka. 

Guud ahaan sigaarku waa waxa keliya ama balwadda keliya ee ay fududahay inuu qofku barto, ayna adag tahay inuu iska daayo ama dhaafo. Lama na sheegin wax ay ku soo kordhin karto jidhka iyo nafsadda qofka aan ka ahayn waxyeelo bulsho, dhaqaale iyo caafimaadba. 

Qaar ka mid ah kemikada ku jira sigaarka. 

Nicotine:

Nicotine waa mid ka mid ah kimikoyinka waaweyn ee ku jira sigaarka. Suntani waxa ay keenta inay waxyeelayso afka, ilkaha, sambabada qofka muqaal ahaan iyo watar ahaanba. 

Carbon Monoxide:

Carbon monoxide waa mid kale oo ah kemikooyinka ku jirta sigaarka oo keenta in difaaca jidhku yaraado, dhiiga waxyeelo u geysata sida qul-qulka dhiiga. 

Tar: 

Tar waa nooca kemiko oo ah saliid, taas oo khatar u keenta qofka sigaarka cabba, taas oo yaraysa isa socodka dhiiga qofka, wadnaha na khatar ku keeni karta, mararka qaarna keenta in qofku qufac yeesho ama u nuglaado xanuunada ku dhaca xididada jidhka iyo dhiigaba. 

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *