DHIBAATADA MILIXDU LEEDAHAY QOFKA BADSADA. 

DHIBAATADA MILIXDU LEEDAHAY QOFKA BADSADA.

Jidhku waxa u bahan yahay xadi gaar ah oo milix ah. Jidhkeena waxa ku jira ama u leeyahay Sodium oo ah milix gaar u ah jidh macdan ahaan. Taas ayey milixdu kordhisa inay sare u qaado ilaa 90% ba waxa na si kale loogu yaqaan Sodium Chloride. Taas oo sahasha in unugyada jidhku iyo dhiiguba ay si wacan u wada shaqeeyaan. Marka jidhku waa uu u baahan yahay milix laakiin yaanay noqon saa`iid ama heer ay aad uga badato inta jidhku u baahan yahay. Sidaas darteed waxa ay ka dhigi karta dhiigu inuu noqdo xinjir, dadka qaba xanuunada kansark caloosha wadne xanuunka iyo weliba dhiigkarka xanuunka la dhaho haddii uu qofku culay badan leeyahay ama buuran/cayilan yahay. Marku waxa wacan in qofku uu is ka yareeyo cunista milixda, waana inuu isticmaala milixda la sifeeyey gaar ahaan

ka soo baxday buuraha waayo hadii aan la sifeyn waxa ku jira macdano kale oo aanu jidhku u baahnayn sida ciid iyo wixii la mid ah laakiin tan laga soo saaro badda waxa ku jira macdano badan oo badda ku jirta taas oo loogu talo galay noolaha badda ku jira. Sidaas darteed waxa wacan inaad isticmaasho tan buuraha sida Himilayas laga soo saaro oo weliba la sifeeyey. 

Milixdu waxa ay kale oo keentaa inay jidhka ka dhamayso biyaha waa sababta qofka cuna milix badan uu u baahdo biyo inuu cabbo. Waxa jira waxyaabo kale oo lagu dhanaaniyo cuntada oo aan caafimaad ahaan u wacnayn sida Monosodium Glutamate sida khamiirka iyo wixii la mid ah. 

Hay`adda caafimaadka ee aduunku waxa ay ku talisay in qofku uu isticmaalo wax ka yar shan garam oo milix ah maalintii taas oo caadi ku noqon karta cuntada dhadhan ahaan. 

https://www.bbc.com/somali/war-60965734

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *