DHIBAATADA SONKORTU U LEEDAHAY CAAFIMAADKA QOFKA. 

DHIBAATADA SONKORTU U LEEDAHAY CAAFIMAADKA QOFKA.

Qoraalkan saabsan dhibaatada sonkonta u leedahay jidhka caafimaadka qofka badsada sonkonta cunitaankeeda:

Dhibaatada sonkortu u leedahay jidhka qofka badsada ama isticmaala waa wax la wada ogsoon yahay jidh ahaan iyo caafimaad ka qofka guud ahaan. Waxa ay kordhisa madax xanuunka, deg-degsiisa awoodda qofka, jejebisaa ilkaha qofka, sido kale waxa ay ka qayb qaadataa xanuunnada sida macaanka iyo wixii la mid ah. Sidaa darteed waa lama huraan in qofku ka taxadero cunista iyo isticmaalka sonkorta macmalka ah ee aan ahayn ta ku jirta khudaarta. 

https://www.bbc.com/somali/articles/c1681k4drl4o

Qofku inuu badsato cuntooyinka ay ku jirto sonkorta natural ahi waa muhiim madaama aanay kordhinayn khadaraha caafimaad ee qofka gaar ahaan dhiigga, jidhka iyo wixii la mid ah. 

Haddii uu qofku ogaado inuu qabo xanuunka Sonkorowga waxa haboon inuu talooyinkan qaato si uu u daryeelo caafimaadkiisa kuna xidhnaato la taliye caafimmad ama dhakhtar. 

Cunista cunto caafimaad leh oo u badan khudaar iyo cunto nutural ah.

Inuu qofku sameeyo jimicsi si dhiiggu u qul-qulo si habsami lah gaar ahaan socod.

Waa inuu qofku la socdo heerarka sonkorowga ama macaanka taas ah inuu cabiro si joogta ah.

Qaadashada daawadii uu dhakhtarku kuu soo qoray.

Yaraynta dhibaatada sida wer-werka, isku-buuqa, khilaafka gaar ahaan kaga iman kara qowska, asxaabta, shaqada, iyo cid kasta oo ka agdhow. 

Sido kale ku dadaal inaad qaadato cunto xoolaad oo aan baruur badan lahayn, iyo subag toonna.

Noqo qof caafimaadkiisa ka taxadara iyo nadiifinta xubnihiisa sida lugaha, afka, ilkaha, dhaq-dhaqaaqa jidhka, cuntadana qaado xilliyada sax da ee la qaado si ay u helaan waqti ku filan oo ay ku dheefshiidmaan si fiican. 

Qofku waa inuu ku dadaala inuu helo hurdo ku filan si maskaxdu ay u hesho nasasho waqti ku filan. 

Iska ilaali feker badan, hadal badan, iyo waxkasta oo wax u dhimaya daryeelka caafimaad. 

Ha qaadan wax daroogo iyo alcohol ah sida sigaar, qaad, iyo noocyada kale ee alcohols ka.

Cidkasta oo aad talo ka qaadanaysid ha ahaato kuwo sharci ka haysta hayado caafimaad sida kuwa wadama ee public ah iyo private kaba. 

https://www.chpw.org/so/member-center/health-management/case-management/diabetes/

Sidaa darteed waxa haboon in dadka badsada sonkorta ay iska yareeyaan madaama ay halis gelinayso caafimaadka qofka iyo weliba muuqaalka jidh ahaaneed ee qofka. Waa inuu qofku ku xidhnaado la taliye caafimaad oo kala taliya qofka sidii uu u yarayn lahaa isticmaalka iyo cunista sonkorta gaar ahaan marka qofku aanu jimicsi samaynayn sida dadka waayeelka ah iyo kuwa aan haleeli karin ee waxbarasho iyo shaqo ku mashquulsan. Sonkortu waxa ay ku bixi kartaa si fudud marka uu qofku sameeyo jimicsi ama orod oo uu dhidid badan ka yimaado gaar ahaan marka uu yar yahay da` ahaan laakiin haddii uu qof weyn noqdo sonkorna cunayo, jimicsi iyo orodna aanu samaynayn waxa la soo dersi karta xanuunnada ay sonkortu keento caafimaad ahaan jidhkana saamayn muuqaal ayaa soo gaadhi karta sida ilkaha. 

Ugu dambayn qofku ha aamino Alle SWC, ha na raaco tilmaamaha uu bixiyo dhakhtarku si gaar ah kuwa ku takhakhusay xanuunnadaas laga qaado sonkorta. 

https://www.somaliaonline.com/community/topic/210065-dal-dareemay-dhibaatada-ay-sonkorta-milixda-ku-hayso-dadkiisa/

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *